Wafdi ka socda Turkiga oo kusoo wajahan Muqdisho

0 228

Maalmaha soo socda ayaa lagu waddaa in Magaalada Muqdisho ay soo gaaraan Wafdi ballaaran oo ka socda dowladda Turkiga.

Warbaahinta dalka Turkiga ayaa sheegtay in wafdigaasi uu hoggaamin doono Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Hakan Çavuşoğlu ayna Soomaaliya tagi doonaan maalinta Arbacada ah ee soo socota .

Ra’isul Wasaare ku xigeenka Turkiga ayaa lagu waddaa in uu xariga ka jaro xarumo kala duwan oo dowladda Turkiga ay ku sameysay dayactir.

Booqashadiisa ayaa ka bilaaban doonta dalka Suudaan sidda ay sheegtay Warbaahinta Turkiga

Ra’isul Wasaare ku xigeenka Turkiga ayaa dalka Suudaan xarigga ka jari doona dhismayaasha laba Masaajid,Kastamada Canshuuraha oo Dowladda Turkiga dayactirtay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.