Wafdi Ka Socda Wasaaradda Xanaanada Xoolaha KGS Oo Gaarey Degmada Diinsoor.

0 183

Wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha iyo daaqa dowlad gobaleedka koonfur galbeed soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminaayo oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa degmada Diinsoor ee gobalka baay ayaa waxaa ay bilaabeen olole loogu magac daray daweynta xoolaha buka.

wasiir ku xigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha iyo wafdigiisa ay durba bilaabey in ay daweyaan xoolaha qaba cudurada kala duwan.

Sidoo kale wasaaradda ayaa waddo dadaalo lagu dhiiro gelinaayo xoolo dhaqatada ee ku nool degmada Diinsoor iyo deegaanada ku hareeraysan.

wasaaradda xanaanada xoolaha iyo daaqa dowlad gobaleedka koonfur galbeed soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sdii ay u haqab tiri lahayd baahiyaha loo qabo helitaanka daawada iyo sidoo kale xanaanada xoolaha.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.