Wafdi ka socdey Dowlada Norway oo Kulan iyo Kormeer ka sameeyey Magaaladda Baydhabo[SAWIRO]

0 265

Wafdi ka socdey Dowlada Norway oo Soo gaarey Magaaladda Baydhabo ayaa waxaa ay booqadeen Waddooyinka dhismahooda ka socda Magaalada Baydhabo,

Booqashada Wadooyinka baydhabo ee Wafdigan ka socdey Dowladda Norway ayaa waxaa ku wehlinayey Gudoomiye ku xigeenka Degmada baydhabo dhinac Amniga iyo Siyaasada Gadoomiyaha Gobalka Baay iyo Masuuliyiin kale.

Booqsho iyo indho indheyn kadib waxaa ay Xarunta maamulka Degmada baydhabo kulan kula qaateen Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa magaalada Baydhabo iyo kuxigeenadiisa.

Maamulka Degmada iyo Wafdiga ka socdey Dowlada Norway waxaa ay ka wada Hadleen sidii Masharic kala duwan looga Hirgalin lahaa Degmada Baydhabo,

Maamulka Degmada Baydhabo ayaa sheegey in Dowlada Norway ay dhowr jeer Masharic kala duwan ay ka fuliyeen magalada Baydhabo.

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo ahna Duga magalada mudane Xasan Macalin Axmed [biikole] ayaa ka mahadceliyey Booqashadan Wafdiga Dowlada Norway ku Timid Magaalada Baydhabo iyo Xarunta Degmada baydhabo,

Xasan Macalin Axmed [biikole] Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhaboayaa ka codsadey in ay Sii laba jibbaaraan Dadaalada Dib udhiska ah ee ay ka wadaan Degmada Baydhabo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.