Wafdi ka socdey soomaaliland oo gaarey tukaraq

0 308

Wasiirka wasaarada Khayraadka Biyaha ee maamulka Soomaaliland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool kuwaas oo kormeeray saldhigyada ciidamada Soomaliland ay uga suganyihiin Tukaraq.

Waxgaradka deegaanka qaar kamid ah ayaa sheegay inay soo dhaweyeen ciidamada maamulka Soomaliland xiligii ay soo gaareen gobolka Sool aysana jirin wax dhib ah oo soo gaaray ciidamadii ka socday Dawlada Somaliland.

Magaaladan ayaa waxaa isku haysta Maamulada Puntland iyo Soomaaliland kuwaas oo qolo walba ay sheeganayso inuu yahay deegaankeedda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.