Wafdi soo gaarey Magaalada Baydhabo

0 233

Magaalada Baydhabo ee Caaimada ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maanta waxaa soo gaarey oo si wyen loogu soo dhaweeyey Wafdi uu hogaaminayo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Cali (Qaloocow).

Wafdiga Garoonka Diyaaradaha Baydhabo ee Shaatigaduud Airport waxaa ku soo dhaweeyey Mas’uuliyiin uu kamid yahay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed,iyada oo la geeyey Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo.

Ujeedada wafdigan ka socda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ay u soo gaareen Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu sheegay howlo muhiim ah,iyaga oo shirar kala duwan ay la yeelan doonaan Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.