Wafdi uu hogaaminayo mouse Faki oo Goordhaw soo gaaray Muqdisho

0 419

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Mousa Faki ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Booqashada Mousa Faki ayaa ah tii u horeysay ee uu ku yimaado magaalada Muqdisho, tan iyo markii xilka Guddoomiyaha Midowga loo doortay.
Mousa Faki ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Madaxa howl galka AMISOM iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM.
Socdaalka Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Muqdisho ayaa la sheegay inay xiriirto arrimaha abaaraha ka jira Soomaaliya iyo dar dar gelinta howl galka AMISOM.
Waxaa lagu wadaa inuu kula kulmo Xarunta Madaxtooyada Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la xiray waddooyin muhiim ah oo halbowle u ah isu socodka xaafadaha Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.