Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta KGS Oo gaarey Degmada Diinsoor[SAWIRO]

0 270

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka koonfur galbeed mudane Mohamed Abukar Cabdi ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey Degmada Diinsor Ee Gobolka Baay,

Wafdiga Wasiirka uu Horkacayey ayaa waxaa qeyb ka ahaa Aamino Mohamed Mursal oo ah Lataliyaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Dhinaca Haweenka,

Ujeedad wafdiga Wasiirka iyo Xubnaha la socdo ee ay u gaareen halkaasi ayaa ah ka qeybgalka Doorashada Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Diinsoor Taasi oo dhawaan lagu wado in doorashadiisa ay ka dhacdo Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay,

Wasaaradda Arimaha Gudaha Dowladaha hoose iyo Dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaaliya ayaa Dadaal dheer ugu jirta sidii loo dhisi Golaha Deegaanka Degmooyinka Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyadoona horey u soo dhistey dhowr Degmo oo ku yaalla Koonfur galbeed Soomaaliya haatana uu gabagabo marayo dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Diinsoor.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.