Wakiilada Beesha Caalamka Oo Gaaray Baydhabo Lana Kulmay Lafta-Gareen

0 91

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Lafta-gareen iyo James Swan ayaa waxaa looga hadlay Arimaha Gargaarka, amaanka iyo horumarka dhaqaalaha Koonfur Galbeed iyo Sidii Qaramada Midoobay ay kaalinteeda uga geysan lahayd .

Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen ayaa Qaramada Midoobay uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ka jira.

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha soomaliya James Swan ayaa dhankiisa sheegay inay wax ka qabanayaan Xaaladaha ka jira deegaanada Koonfur Galbeed si dhowna ay ula shaqayn doonaan maamulka Koonfur Galbeed.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.