War Deg Deg ah Qarax goor dhaw ka dhacay muqdisho

0 288

Wararka inaga soo gaaraya wadada warshadaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Qarax lagula eegtay kolonyo ay la socdeen Ciidanka AMISOM.

Qaraxan ayaa la sheegay nuuciisa in uu ahaa miinada dhulka lagu aaso, waxaana lala beegsaday mid ka mid ah kolonyada Ciidanka AMISOM.

Dad goob joogayaal ah ayaa Radio Baydhabo u sheegay Qaraxan in si weyn looga maqlay xaafadaha ku dhow goobta uu Qaraxa ka dhacay, sidoo kalena ay ku waxyeeloobeen dad rayid ah oo marayay wadada.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada Amniga Dowladda Federaalka ayaa Radio Baydhabo u xaqiijiyay Qaraxan ka dhacay wadada Warshadaha.

Ilaa iyo hada si rasmi ah looma xaqiijin karo, khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxan, waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwa Amaanka.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.