Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo Qarax Khasaaro geystay oo maanta ka dhacay G/Sh/ Hoose (Warbixin)

0 432

Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax Miino, kaa oo lala eegtay ciidamo ka mid ah dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Ciidamada Qaraxa loo aasay ayaa la sheegayaa inuu watay Taliyaha Ururka Koowaad ee Guutada Sadexaad Ciidanka Xooga dalka Korneel Hilowle Ciise Hagareey, waxaana Qaraxaasi ku dhaawacmay inta la ogyahay ilaa 5 ruux, halka dhimashadana ay kor u dhaafeyso ilaa Afar.

Qaraxa ka dib waxaa goobta gaaray ciidamo kale oo ka mid ah dowladda Federaalka ee Soomaaliya, waxaana ay sameeyeen howlgal lagu baadi goobayo dadkii falkaasi ka dambeeyay.

Sidoo kale, Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga Degmada Baraawe Bashiir Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Taliyaha uu ka badbaaday Qaraxaasi hadana ay socdaan Baaritaan ku aadan cidii ka dambeysay Qaraxa.

Ma aha weerarkii ugu horeeyay ee lagu qaado Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka ee ku sugan Degmada Baraawe.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.