Wararkii ugu danbeeyay ee deegaanka Moqokori oo ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo Al-shabaab

0 210

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo casir liiqii maanta ku dhaxmaray deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

Wararka soo baxaya ayaa sheegay in Al-shabaab iyo gadiidkooda dagaal ay gudaha u galleen deegaanka Moqokori ku dhawaad muddo sanad ah ay gacanta ku hayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dagaalka dhaxmaray labada dhinac oo ahaa mid culus ilaa iyo hadda wax faah faahin ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Isgaarsiinta ayaa wali ka maqan deegaanka Moqokori taasoo ka dhigeysa xogta laga heli karo halkaa mid aad u kooban.

Moqokori ayaa ah deegaan muhiim ah oo isku xira goballada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, marar badan oo hore-na waxaa ku dagaalamay labada dhinac

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.