Warshad ku taalla Duleedka Muqdisho oo Caawa dab qabsaday iyo Dabdamiska oo ku howlan

0 236

Wararka aan ka heleyso Deegaanka Garasbaaley Duleedka Muqdisho waxa ay sheegayaan in caawa dab uu ka kacay Warshad Biyaha Nadiifisa oo ku taalla Deegaankaas.

Qof kamid ah dadka Deegaanka ayaa sheegay in Dabka oo bilawday Caawa 7-dii Fiidnimo uu kusii fidayo qaybo hor leh oo katirsan Warshada, isla markaana Cabsi ay ka qabayaan in uu u gudbo Xaafadaha ku dhaw.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goobta tagay, waxaana ay xireen Waddooyinka ka dhaw halka ay ku taallo Warshada Gubaneyso oo ay daminteeda u gaartay dadka deegaanka.

Qofka deegaanka ah ee la hadlay Radio Baidoa ayaa sheegey in ay xiran yihiin waddooyinka Waa weyn jid-cadayaasha kasoo galaya Goobta gubaneyso,

Gaadiidka gurmadka Dab damiska gobolka Banaadir ayaa ku hawlan daminta dabkasi xoogan oo caawa ka kacay dhismaha Warshadda Biyaha Zamzam oo ku dhaw isgoyska Tabeellaha Sheekh Ibraahim.

Lama soo sheegin Khasaare Nafeed oo uu sababay dabka, marka laga reebo Hantida Warshadda ee Gubaneysa, mana jiro war kasoo baxay Maamulka Deegaanka Garasbaaley oo ay kaga hadlayaan arrintaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.