Wasaarada Dastuurka Koonfur Galbeed Oo Tababar ku qabatey magalada Baydhabo

0 154

Wasaaradda Arrimaha dastuurka ee XFS iyo Wasaaradda Dastuurka Koonfur galbeed Soomaaliya Ayaa maanta magaalada Baydhabo ka furay Tababarka tabarayaasha waxbarashada madaniga ah Iyo wacyigalinta dadweynaha ee arrimaha dastuurka.

Tababarkaan oo socon doona muddo afar maalin ah Waxaa ka faa’idaysan doona bulshada ku dhaqan Koonfur galbeed Soomaaliya, waxaana labada maalin Ee ugu horraysa tababarka qaadan doona ku dhowaad 50 qof oo ka socota bulshada rayidka koonfur galbeed Soomaaliya, halka labada maalin ee xigta la tababari Doono xubno ka socda waaaradaha dowlad Goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya.

Agaasimaha Wasaarada Arimaha Dastuurka Koonfur Galbeed Mustaf Abdulaahi Hassan Adaf ayaa ugu Horeeynti sharaxay Ahmiyada Tababarkan wuxuuna Sheegey In Koonfur galbeed ay ku dadaali doonto Ka Qeyb galinta Bulshada arimaha Dastuurka si Loo Dhameystiro Dastuurka Qabiyada ah.

Dhinac Kale Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha dastuurka XFS mudane Maxamed Abuukar Zubeyr oo furay Tababarka ayaa sheegay in ujeedada Tababrkan ay tahay in dadka loo tababarro Waxbarashada madaniga ah ay sii tababari doonaan Dadka kale ee ku nool deegaanada koonfur galbeed Soomaaliya si bulshada loo fahansiiyo Dastuurka Dalka.

Waa Barnaamij ay kasoo shaqeysey Wasaarada arimaha Dastuurka Dowlada Koonfur Galbeed oo Kaashaneysa Tan Dfs,Wuxuuna bilow uyahay Kaalinta Bulshada Ee baahinta Fahamka Dastuurka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.