Wasaarada Gargaarka KGS oo Deeq Gaarsiisey Dad Danyer ah.

0 193

Wasaarada Gargaarka Iyo Maareynta Masiibooyinka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa wado gurmadka Iyo Caawinta Dadka Danyerta ah ee Kunool Xerooyinka Barakacayaasha Baydhabo.

Wasaarada ayaa Waxay Fulineysaa Balan Qaadyo dhowr ah oo Hore ay Usameysey Danyerta Intii aan Lasoo gaarin Bisha Ramadaan.

Wasaarada Oo Kaashaneysa Hay’ad Gargaar Oo Turkey ah ayaa Waxay Deeq Isugu Jirta Raashiin Iyo Lacag ay Gaarsiisey Qoysas Kor Udhaafaya 600 Qoys Oo Lagasoo Kala Xuley Xerooyinka Barakacayaasha Baydhabo,

Dadka Deeqda Lagaarsiiyey Ayaa Waxay ubadnaayeen Caruur Iyo Waayeel,Waxaana Badankood ay qabeeen baahiyo dhinaca Nolasha ah,Sidoo Kale waxaa Heysatey Nolol Xumo Soo food saartey Markii ay bilatey bisha Ramadaan.

Wasiir Kuxigeenka Wasaraada Gargaarka Iyo Maareynta Masiibooyinka Koonfut Galbeed Marwo Binti Ibrahim Ali Ayaa Barakacayaasha Gudoonsiisey Lacag Shilin Somali ah Oo Ay Ugu Talagaleen In bisha Ramadaan Ay Kudabaraan Nolashooda,Iyo sidoo Kale Raashiin Isugu Jira Noocyo badan oo qoys waliba lagudoonsiiyey.

Waa Markii Ugu Horeysey Oo Wasaaradu Ay Deeq Gaarsiiso Dadka Danyerta ah Intii laguda Galey Bishan Ramadaan,balse waa bilow fiican oo ay kufaraxsan yihiin dadka ubaahan gacanta walaalahooda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.