Wasaaradda Amniga oo sheegtay in dad loo qabtay weerar lagu qaaday Xildhibaan

0 386

howlgalApril 28 (RadioBaidoa)— Wasaaradda Amniga gudaha ayaa sheegtay in la qabtay dad looga shakisan yahay weerarkii habeen hore lagu qaaday guri uu deganaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo lagu magacaabo Malaaq Aadan Ibraahim Dhaayow.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/kaamil Macalin Shugri ayaa sheegay in hal ruux oo aad looga shakisan yahay loo soo qabtay weerarkaas, isla markaana uu ku socdo baaritaan, sidoo kalena ay jiraan dad kale oo la baadigoobayo.

Waxaa uu sheegay in kooxihii weeraray guriga xildhibaanka ay wateen mooto bajaaj, kuna baxsadeen markii ay bambaano ay ku tuureen guriga, waxaana dhaawac ka soo gaaray afar ka mid ah ilaalada Xildhibaanka.

Dhinaca kale laamaha ammaanka dowladda ayaa howl galadii ugu dambeeyay ee ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan Muqdisho ku soo qabtay qof dhaawac ahaa oo lagu tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.