Wasaaradda Caafimaad oo shaacisey qorsho ka dhan ah Cudurka Carona

0 130

Iyada oo walaac xoogan ay dunida kaqabto faafitaanka Cudurka Carona ayaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur waxa ay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay yareeyaan isu imaatinka iyo shirarka.

Sidokale waxaa ay ugu baaqday in ay yareeyaan safarada dibada ah ee laga maarmi karo si looga hortago cudurkaas oo hadda soo gaaray wadamada dariska la ah soomaaliya ee Kenya iyo Itoobiya.

Waxa ay sheegtay in cudurka uu yahay mid si fudud u faafi kara loona baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay kawada qayb qaataan dadaalada looga hortagaayo.

Shalay ayaa Wasaaradda Caafimaadka ee Dawladda Soomaaliya oo hormuud uga ah hawlaha u diyaar garowga & ka hortagga cudurka Coronavirus ayaa qabatay shir deg deg ah oo ay isugu yimaadeen Deeq-bixiyayaasha, Hay’adaha Qaramada Midooday, Hay’adaha Caalamiga ah iyo Wasaaradaha ay khusayso.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.