Wasiir Islow” sharciga ayaa la horkeeni doonaa Cidii Weerartay Qeybdiid

0 248

Wasiirka Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda ay sida ugu dhaqsiyaha badan Sharciga u horkeeni doonto cidii ka dambeysay Falkii ka dhacay Guriga Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale” Qeybdiid”

Waxaa uu sheegay in baaris deg deg ah ay sameyn doonaan.

“Ciddii ka danbeysay falka ka dhacay Guriga Senator Cabdi Qeybdiid sharciga ayaa la horkeeni doonaa, sida ugu dhaqsiyaha badan.Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si deg deg ah uga hadlay Weerarkii Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay ku qaadeen Guriga Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Madaxweynaha ayaa sheegay in falkaasi uu kuu amray taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gorod in uu baaris deg deg ah ku sameeyo.

Ciidamada Weeraray ayaa la Sheegay in ay yihiin ciidamo ay tababartay dowladda Imaaraadka Carabta oo Muqdisho ka howlgalla.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay loogu Wareejiyay ciidamada ay tababartay dowladda Imaaraadka oo ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.