Wasiir ku xigeenka Awqaafta oo la kulmay kaaliyaha Xoghayaha guud ee Raabidada Caalamka

0 192

Ku simaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS, Mudane C/xakiin Sheekh Xasan Ashkir iyo Wafdi uu hogaaminayo oo maalmahan safar shaqo ku joogay wadanka Sacuudiga ayaa waxay kulan la qaateen Dr. C/raxmaan Alzeyd oo ah kaaliya Xoghayha guud ee Raabidada Caalamka Islaamka oo uu fadhigeedu yahay Magaalada Barakeysan ee Makka Almukarrama.

Labada masuul waxey ka wada hadleen xoojinta xiriirka Wasaaradda iyo Raabidada, iyo sidii loo dhaqan galin lahaa heshiisyo ka dhexeeyey Wasaaraadda & Raabidada islamarkaana la iskaga kaashan lahaa horumarinta Masaajidda, Macaahidda, Imaamyada, Khadiibiinta, iyo guud ahaan horumarinta xarumaha diinta ee dalka.

Waxaana lagu ballamay in la isugu yimaado kulan kale dhawaan oo arrimahan khuseeyo.

Waxaa sidoo kale Wasiirka iyo wafdigiisu ay booqdeen xarun lagu keydiyey kutub Diini ah si dhawaan loogu soo diro dalka, loogana faaiideeyo bulshada Soomaaliyeed ee Muslimka ah.

Waxaa Xusid mudan in Wasaaradu bilihii ugu danbeeyey qaybisay kitaab quraan ah oo la gaarsiiyey gobalada dalka, iyadoo ku hawlan in mudo dhawna la qaybiyo shixnad kale oo Wasaarada soo gaaray dhawaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.