Wasiir Xoosh “Qof Wasiir ah waa u tartami karaa xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

0 193

ka dib markii xubnaha Guddiga qabanqaabadda doorashadda Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ay sheegeen in xubnaha ka tirsan Golaha Wasiiradda ee xilkaasi isku soo sharaxay in ay iscasilaan ka hor tartanka ayaa arintaasi waxaa su’aallo ka keenay Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibril.

Waxaa uu sheegay in uu tartamikaro qofkaste oo xildhibaan ah xataa uu hadii uu haayo xilka Wasiirnimo.

Wasiir Xoosh ayaa xusay in marka qofka Wasiirka uu ku guuleysto xilka Guddoomiyaha uu markaas weynayo xilkiisa Wasiirnimo.

“Qof Wasiir ah ahna Xildhibaan waa inuu iska casilaa Wasiirnimada inta uusan u tartamin Guddoomiye-nimada Golaha Shacabka ? Maya, Qodobka 59aad xarafka (c) wuxuu farayaa in shakshi xildhibaan ah uu jago dowladeed oo ka baxsan Wasiirnimo uusan qaban karin, markii uu qabtana uu jagadaas tanaasul ka yahay” ayuu yiri Xoosh.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi kusii daray” Haddaba qof wasiir ah wuu tartamin karaa, isagoon is casilin, laakin maalinta Guddoomiye Golaha Shacabka uu noqdo, wasiirnimadii waa gubattaa”

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.