Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Addis Ababa kula kulmay dhiggiisa Norway

0 480

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Addis Ababa Wasiiradda Arrimaha Dibadda Norway Ms. Ine Marie Eriksen Søreide, kadib casha sharaf ay ku casuuntay Wasiirada Arrimaha Dibadda IGAD.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal, iyo sidoo kale joogtaynta taageerada Norway ee Soomaaliya.
Kulanka Labada Wasiir ayaa ku soo aaday, maalin kaddib markii magaalada Davos ee dalka Switzerland ay ku kulmeen Ra’iisul Wasaarayaasha Soomaaliya iyo Norway, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa dadaal ballaaran ku bixinaysa bandhigidda hiigsiga qaran loogu saldhigayo deganaanshaha iyo isku filnaanshaha dhaqaale ee dalka, si looga gudbo dirirta iyo abaaraha, loona xoojiyo midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa maalinta Sabtida ka qeyb galaya shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Urur Goboleedka IGAD oo ka dhici doona magaalada Addis Ababa.
Shirkaas ayaa horudhac u ah shir madaxeedka IGAD oo dhamaadka bishan ka dhacaya Addis Ababa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.