Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo caddeeyay in dalkiisu ku garab taagan yahay China ka hortagga cudurka ‘coronavirus’

0 166

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad oo la kulmey Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga China u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Qin Jian, iyadoo intii lagu guda-jiray kulan kaasi laga wadahadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee saaxiibada ah ee wadaaga xiriir taariikheed muddo dheer soo jiray.

Wasiir Cawad waxa uu carabka ku adkeeyay inuu xiriir toos ah la leeyahay ardayda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Wuhan ee Gobolka Hubei ee dalka China oo ah goobta uu cudurka dilaaga ah ee ‘coronavirus’ uu ku faafay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay la kaashan doontaa Dowladda China iyo Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Beijing si loo qaado tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo gaarsiiyo ardaydaasi waxa ay u baahan yihiin.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu u xaqiijiyay Safiirka China in Soomaaliya ay garab taagan tahay Dowladda iyo dadka China xilligan adag, iyadoo si adag ay uga shaqaynayaan xakamaynta faafitaanka ‘coronavirus’, waxa uu u rajeeyay in ay ku guulaystaan ka takhaluskiisa gebi ahaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.