Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Netherlands iskaashi wadaagga[SAWIRO]

0 101

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Netherlands siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashi wadaagga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Arbaco ah ku qaabilay Muqdisho, Safiirka Netherlands ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Frans Makken, waxa ayna ka wadahadleen xoojinta xiriirka laba-geesoodka iyo iskaashiga dhammaan dhinacyada ku suntan nafci wadaagga.

Kulanka ayaa lagu fallanqeeyay arrimaha nabadgelyada, socdaalka iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Netherlands, iyo sidoo kale xaaladihii ugu dambeeyay ee ka soo if baxay gobolka iyo dunida inteeda kale.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.