Wasiirka Cadaaladda oo sheegay in ay dhisayaan Maxkamadda Dastuuriga

0 208

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in hada ay maqan yihiin laba Hay’adood oo kala ah Hay’adda Golaha Adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga.

Wuxuu sheegay Wasiirka in uu maqan yahay Golaha Adeegga Garsoorka oo Garsoor u ah Baarlamaanka, kaasi oo uu sheegay inuu dejin lahaa siyaasadda guud ee Cadaaladda iyo in uu sameeyo kormeer guud.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in weli ay maqan tahay Maxkamadda Dastuuriga oo aas aas u ah xalinta khilaafaadka siyaasiga iyo Dastuuriga ah, balse ay rajeynayaan in dhawaan ay xalin doonaan.

“Waxaa kaloo muhiim ah xarumaha cadaaladda Dowlad Goboleedyada Xabsi ha ahaado, Maxkamad ha ahaato iyo wixii kale ee la xiriira, xabsiyada wadanka aad ayay u yar yihiin, waxaan rajeynayaa in arrimahan ay xalismaan.” Ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda.

Ugu dambeyntii Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay hadii la dhiso xabsiyada ku yaalla dalka in wax badan ay iska bedeli doonto arrimaha Cadaaladda, wuxuuna tilmaamay in arrintan ay kala shaqeynayaan Hay’ado diyaar u ah in ay sameeyaan maalgelin.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.