Wasiirka Dastuurka oo la kulmey Wafdi ka socda UNDP

0 177

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac oo ay wehliyaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dr. Xuseen Cabdi Cilmi iyo Agaasimaha Guud Maxamed Abukar Zubeyr ayaa Maanta waxaa ay kulan la qaateen maamulka sare ee hay’adda UNDP.

Kulanka ayaa waxaa labada dhinac ay uga wada hadleen wada shaqaynta iyo taageerada geedi socodka Dib-u-Eegista Dastuurka KMG, iyaga oo ku wada heshiiyey inay iskaashi sameeyaan.

Wasiirka Dastuurka Axmed Jaamac ayaa ka codsadey Hay’adda UNDP inay kaalin weyn ka qaataan sidii loo dhameytiri lahaa howlaha dib u eegista ah ee ku socda Dastuurka KMG ee Soomaaliya.

Madaxda ka socotay maamulka Sare ee Hay’adda UNDP ayaa dhankooda waxaa ay balan qaadeen inay doorweyn iyo garab istaag u muujin doonaan Guddiyada ku howlan dib u eegista Dastuurka dalka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.