Wasiirka Garsoorka Iyo Cadaaladda KGS Oo Booqday Xabsiga Dhexe Baydhabo.

0 157

Wasiirka Wasaaradda Garsoorka iyo cadaalada Dowladda K/Galbeed Soomaaliya mudane Sheikh Xasan Ibraahim (Lugbuur) ayaa booqdey xabsiga dhexe.Waxaana Xaruunta Xabsiga dhexe ama Kaadshiraha Ku soo Dhoweeyey Taliyaha Asluubta Magaalada Baydhabo.

Ugu Horeyn Wasiirka ayaa Indho Indheeyey Dhamaan Qololka Xabsiga Dhexe waxana ugu Horeyn Warbaahinta la Hadley Taliyaha Ciidimada Asluubta Magaalada Baydhabo isagoona Wasiirka ugudbiyey Waxyaabaha ay aadka ugu baahanyihiin maxaabiista Si Wax loogu qabto.

Dhanka kale Wasiirka Wasaarada Garsoorka iyo cadaalada ayaa Sheegey in booqashadiisu ay ugu Horeyn ay tahay inuu Ka Codsado taliska Asluubta in ay daryeelaan maxaabiista Isagoona aad u amaaney taliska Asluubta Islamarkaasin ay Labajibaaran Dadaalka ay ka Wadaan ilaalinta dadka Kuxiran Xabsiga Dhexe ee Magaalada Baydhabo iyo Sidoo Kale Sidii Dadka Kuxiran Xabsiga ee Dambiyadoodi Fudufud loosii Deyn Lahaa fadliga Bisha Barakeysan aawgeed

Isagoona ugu Dambeyn booqashadiisu Kadib uu Taliyaha Asluubta uu Ku Wareejiyey 2Nef oo Geel ah siay ugu Afuraan Ciidinka Asluubta ee ilaalinaysa Xabsiga Magaalada Baydhabo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.