Wasiirka Howlaha Guud ee Soomaaliya oo gaaray Dhuusamareeb

0 186

Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Soomaaliya Eng: Saadaq C/laahi Cabdi ayaa Maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, waxaana Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhoweeyey masuuliin katirsan Dawlad Goboleedka Galmudug, Waxaana halkaasi ku soo dhoweeyey guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb iyo Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee Galmudug Daahir Xasan Xuseen oo halkaasi kahadlay ayaa sheegay iney soo dhaweynayaan wasiirka, islamarkaana inta uu joogo Dhuusamareeb waxyaabo badan ay kawada hadli doonaan.

Eng: Saadaq C/lahi Cabdi Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Soomaaliya oo kawarbixiyey Socdaalkiisa ayaa xusay in qiimeyn lagu sameyn doono hanaanka dhismo ee magaalada Dhuusamareeb oo ay ku yaalaan xarumo badan oo ay laheyd dowladii dhexe ee dalka, sidoo kalena uu xoojin doono xiriirka wasaaradda howlaha guud iyo Galmudug.

Wasiirka ayaa inta uu joogo Dhuusamareeb kulamo la qaadan doona madaxda dowlad goboleedka Galmudug oo ay ka wada hadli doonaan arrimo muhiim ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.