Wasiirka Wasaaradda Difaaca XFS ayaa Faafaahin ka Bixiyay Safar Shaqo oo Dalka Dibadiisa ugu maqnaa

0 226

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya Xil. Xasan Cali Maxamed Amar-dambe ayaaa ka qeyb-galay shir caalami ah oo ay ka qeyb-galayeen Wasiiradda Difaaca Dalalka Africa iyo india , shirkan ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga difaaca dalalka Africa iyo india ,
Waxaana kulamo gaar gaar ah Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya la qaatay Wasiiradii Shirkaas ka qeybgalayay ,

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Difaaca dalka india Rajnath Singh Waxaana Dowladda india ay balan-qaaday in somaliya ay ka taageeri doonto dhinacyo kala duwan ,
Sodon sano ka dib Somaliya gaar ahaan Wasaaradda Difaaca somaliya ayaa ka muuqata kulamada ay yeelanayaan Dalalka Caalamka,

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya ayaa kulan gaar ah Magaalada Adis-ababa ee Ethopia Wasiirka Wasaaradda Qoyska , Dhallaanka iyo Horumarinta Bulshadda ee Dalka Canada Axmed Xuseen Waxayna ka wada-hadleen iskaashiga Dowladaha Somaliya iyo Canada ,

Wasiir Axmed ayaa sheegay in Dowladda Canada ay ka qeyb-qaadan doontaa Qorshaha Deeynaha looga cafinaaya Soomaaliya. isagoo intaas ku daray in dib ay u bilaaban doonaan Socdaalkii Dalalka somaliya iyo Canada.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.