Wasiirka waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya aysan siin doonin Shihaahada dugsiga Sare ardeyda putland

0 138

Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya aysan siin doonin Shihaahada dugsiga Sare hadii aysan galin Imtixaanka dowlada dhexe ee Somaaliya Ardayda degaanada Puntland.

Waxaa uu si cad u sheegay Puntland haddii aysan ka qeyb galin imtixaanka dowladda federalka in ardaydooda aan lasiindoonin wax shahaado ah, sidaadarteedna loo baahan yahay in ay isku filnaadaan.

Hadalka Wasiirka ayaa dab ku shiday khilaafka waxbarashada ee ka dhexeeya dowladda federalka Soomaaliya iyo Puntland ka dib markii uu fashilmay wadahadallo ay waddeen xubno ka mid ah Aqalka Sare.

“Puntland waa inay ummadda Soomaaliyeed la mid noqotaa oo imtixaanka la galaan oo shahaadada la qaataan, haddii kale ha isku tashadaan.” Ayuu yiri wasiir Goodax Barre.

Puntland waxay ku eedeysay dowladda federalka inay dagaal kula jirto nidaamka waxbarashada ayna qoraalo u dirtay wadamo badan oo Puntland siiya deeqo waxbarasho, si looga joojiyo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.