Wasiiru Dowlaha Boostada iyo Isgaarsiinta oo ka horyimid magacaabidda Guddiga Isgaarsiinta Qaranka

0 167

Wasiiru Dowlaha Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya C/laahi Bile Nuur ayaa warqad uu soo saaray wuxuu kaga hadlay, kagana hor yimid magacaabida Guddiga Isgaarsiinta Qaranka oo uu dhowaan qoraal ku soo saaray Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xasan.

Wasiiru Dowlaha ayaa waxa uu soo bandhigay cabashada Shirkadaha Isgaarsiinta dalka iyo maamul goboleedyada ka keeneen xubnaha Guddiga Isgaarsiinta Qaran, kadib Qoraal uu u qoray Wasiirka Boostada, kuna ogeysiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Waxaa uu sheegay in isaga iyo Wasiir kuxigeenka aan lagala tashan magacaabida Guddiga Isgaarsiinta Qaranka, islamarkaana dalbaday in kulan deg deg ah la isugu yimaado, si xal kama dambeys looga gaaro muranka jira nuqulada is diidan ee Xeerka Isgaarsiinta Qaranka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.