Wasiiru Dowlaha Xafiiska Reysul Wasaaraha XFS oo Baydhabo soo gaarey iyo ujeedka Safarkiisa[SAWIRO]

0 200

Wafdi ùu Hogaaminayey Wasiiru Dowlaha Xafiiska Reysul Wasaaraha Soomaliyaa ayaa maanta Si diiran loogu so dhoweeyey Magaaladda Baydhabo.

Waxaana Wafuudan ay isugu jirtey Heer Federaal & Maamul Goboleed waxaana Masuuliyiinta Maamulka KG iyo qeybaha Kala Duwan ee Bulshada Ku dhaqan Magaalaa Baydhabo, Agaasimiyaal, Maamulka Degmada Baydhabo, Saraakiisha Laamaha Amniga, Wasiiro & Xildhibaan.

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra,iisal Wasaare Kheyre Mudane Xaamud ayaa Ku Shegey ujeedka imaatinkooda in ay tahay Xoojinta Xiriirka Dowladda Federalka & Dowlad Goboleedka Konfurgalbeed & Sidii loogu Wacyigelin lahaa dhalinyeradda in ay Kamid Noqdaan Xildhibaanadda 2aad ee uu yeelan doono Maamulka koonfur Galbeed & Xaqiijinta Qoondada Dumarka ee Kamid Noqon doona Xildhibaanadda Cusub ee Koonfur Galbeed.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.