Waxbarashada dalalka soo koraya oo loogu deeqay balaayiin doolar

0 176

Madaxda Waxbarashadda dalalka caalamka ayaa ka qeyb galaya shir caalami ah oo ka socda dalKa Senegal , kasoo looga hadlaayo sidii loo horumarin lahaa waxbarashadda dalalka soo koraya.

Dowladda UK iyo sidoo kale dalalka Midowga 2.3 bilyan oo doolar ugu deeqay dalalka soo koraya si sare loogu qaado dhaqaalaha lagu bixiyo waxbarashada dalalka soo koraya.

Dadka soo qabanqaabiyay shirkaasi ayaa waxa ay sheegeen in kharashkaasi ay ku deeqeen wadammada deeqda bixiya uu yahay mid aad u sarreeya markii la barbar dhigo 1.3-da bilyan ee doolar ee waxbarashada lagu bixiyay saddexdii sanno ee la soo dhaafay.

Dalalka soo koraya ayaa dhankooda waxa ay ballan qaadeen inay kordhin doonaan lacagta ay ku bixiyaan waxbarashada.

Madaxa hay’adda caalamiga ah ee shirkaasi soo qabanqaabisay Alice Albright ayaa sheegtay in taageerada aan caadiga ahayn ay ka dhigan tahay in dhaqaalaha lagu caawin doono ku dhawaad sagaashan dal oo caalamka ku yaal.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay sii wadi doonaan Shirarka nuucaan oo kale ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.