waziir beyle oo sharaxaad kabixiey shuruudaha loo marayo in Deyta laga cafiyo soomaaliya

0 49

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa bogaadiyay hadalkii shalay ka soo yeeray Bankiga aduunka iyo hay’adda lacagta aduunka ee IMF ta ee ku aadanaa in Soomaaliya ay mudantahay in laga cafiyo deymaha faraha badan ee lagu leeyahay.

Shir Jaraa’id oo uu Maanta ku qabtey Muqdisho ayuu Wasiir Beyle ayaa sharaxay wadada loo marayo in ugu dambeyn Soomaaliya laga cafiyo deymaha iyo cidda deymaha ku leh.

Kulamo ay guddiyada sare ee Baniga adduunka iyo IMF yeesheen 12-13-kii bishaan ayey uga doodeen dekumenti ay shaqaalaha bangiga adduunka iyo IMF ka diyaariyeen Soomaaliya,iyaga oo sheegay in qiimeynta la sameeyay ay muhiim u tahay in Soomaaliya laga cafiyo inta badan US$5.3 billion ee lagu leeyahay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.