Waziirka Warfaafinta Dalxiiska Iyo Dhaqanka “Waxaa inoo qorsheysan inaan dib u dhisno Tiyaatarkii Qaranka”

0 310

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye waziirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumada federlka soomaliya ay sheegey in dhawaan dib u dhis ay ku sameyn doonaan xaruuntii golaha Murtida iyo Madadaalada ee Tiyaatar Qaranka

Waziir Maareeye oo hadalkaas ka sheegey xaruunta Farshaxanka ee wakaalada Murtida Iyo Madadaalada oo ku dhaw Madaxtooyada oo laga saarey dadkii halkaas deganaa oo uu  sheegey in xaruuntan ay kamid tahay dib usoo celinta Tiyaatirka Qaranka

“Waxaa inoo qorsheysan inaan dib u dhisno Tiyaatarkii Qaranka, waxaa ku baaqeynaa in laga wada qeyb qaato dhismaha Tiyaatarka Qaranka”ayuu yiri Wasiir Maareeye”

Waziirka wuxuu sidookale sheegey in dib loo dayactiro doono xaruumihii ku burburey dagaaladii sokeey ee dalka ka dhacay

Uga danbeyntii Xaruunta Tiyaatarka Qaranka ayaa ahaa meelaha taarikhiga ah ama uga caansanaa oo lagu soo bandhigi jirey bandhig faneedyada, ruwaayada, suugaanta, waxaana wazaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska dadaal dheeraad ah uga jirtaa sidii dib looga soo nooleyn lahaa fankii Soomaliyeed

Radio Baydhaba

Waxaad Nagala Soo Xiiiri Kartaa

hashimmalaaq@gmail.com

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.