WHO oo ka digtay labo kacleynta Cudurka Corona virus

0 59

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digaysa in halista Covid-19 ay ka darraan doonto mustaqbalka dhaw sidii ay ahayd markii uu dilaacay cudurku lix bilood ka hor.

Madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in fayrasku uu ku dhici doono dad badan hadii aan dawladuhu bilaabin in ay dhaqan geliyaan siyaasado haboon.

Wuxu sheegay in dulucda farriintiisu tahay “baadhitaan, la socod iyo karantiimayn.”

In ka badan 10 milyan oo qof oo dunida oo dhan ah ayuu cudurku ku dhacay tan iyo markii cudurku ka dillaacay Shiinaha dabayaaqadii sannadkii hore.

Tirada dadka u dhintay ayaa haatan kor u dhaaftay 500,000.

Kala bar dadka uu ku dhacay cudurku waxay ku nool yihiin Maraykanka iyo Yurub laakiin haatan Covid-19 wuxu aad ugu sii fidayaa labada qaaradood ee Ameerika.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.