WHO Wafdi Ka socday oo Baydhowa Soo Gaarey lana kulmay Madaxda Maamulka KGS[SAWIRO

0 206

Wafdi Ka socday Hay’ada Caafimaadka Adduunka oo Baydhowa Soo Gaarey.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Xafiiskisa ku Qaabilay Wafdi ka socday Hay,ada Caafimaadka Adduunka ee Magaceeda loo soo gaabiyo WHO,

Wafdigan Baydhabo Soo Gaarey ayaa waxaa Hogaaminayey Kuxigeenka Xafiiska Hay’ada Caafimaad Ka Aduunka ee WHO iyo Madaxa Barnaamijyada Hay’ada Caafimaadka Aduunka WHO.
Waxaa Garoonka Diyaaradaha Baydhowa Ku soo dhaweeyey Madaxda iyo shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka KGS kadib Waxay Booqasho Kutageen Xaruunta Caafimaadka DMO Halkaasi oo adeegyo Caafimaad Looga Fulinayey Bulshada.

Waxay Ukuurgaleen sida ay u socdaan Adeegyada Caafimaad qeybahooda Kaladuwan ee lagu fuliyo Xaruunta DMO Waxay sidoo Kale Ay Booqasho Kutageen isbitaalka Dhexe ee Gobolka Baay Waxay Kormeereen qeybaha uu isbitaalku kakooban Yahay waxayna Dhaqaatiirta Halkaasi Kahawgasha ay kadheysteen warbixin Kusaabsan Adeegyada isbitaalju fuliyo iyo Baahiyaha Kajira isbitaalka Dhexe ee Gobolka Baay.

Wafdigan Kasocdey Hay’ada Caafimaadka Aduunka WHO Ayaa Safarkooda Baydhowa Kusoo Gabagabeeyey Kulan Ay Laqaateen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KGS Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen Waxaana ay Kala Hadleen Tayeynta iyo Kor Uqaadida adeegyada Caafimaad ee Deegaanada Koonfur Galbeed,
Waxaana Markii Kulamada iyo Hawlaha Ay Soo Dhamaadeen Saxaafada Faafaahin Kooban Siiyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka KGS Dr Husein Mohamed Dahir isagoo sheegey inay kawada hadleen sidii barnaamijyo kor loogu qaadayo adeegyada caafimaad ee wasaaradda loo bilaabi lahaa ayagoo kaashanaya hay’ada WHO.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.