Xasan Sheekh Iyo Madaxweynaha Jubbaland Oo Kulan Yeeshay

0 65

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynihii hore dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankaas u dhexeeyay Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa uu ahaa mid talo wadaag ah, isla markaana looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, Doorashada 2020/2021, marxalada kala guurka ah iyo Arrimaha maamulka Jubbaland.

Xasan Sheekh ayaa Madaxweynaha Jubbaland uga mahaceliyay booqashii uu Maanta ugu tegay, wuxuuna sidoo kalena ku boggaadiyay dadaalka ay ku doonayaan sidii ay dalka uga dhici laheyd Doorasho xor ah oo waqtigeeda ku dhacda.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulamo siyaasadeed ka wada, isagoo horey ula kulmay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka, siyaasiyiin iyo xubno kale.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.