Xeer Ilaaliye ku xigeenka Qaranka oo xilka laga qaaday

0 293

Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in xilka qaadis lagu sameeyay xeer ilaaliye ku xigeenkii Qaranka Axmed Cali Abuukar, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan qaabka xil ka qaadistiisa.
Sida ay inoo sheegeen ilo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo xeer ilaaliye ku xigeenka ayaa waxaa xilka looga qaaday digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha, balse weli degreetada lama helin.
Warar ku dhow dhow Xeer Ilaaliye ku xigeenka shaqada laga casilay ayaa sheegaya in xil ka qaadistiisa ay la xiriirto kiiska siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, kadib markii uu ka horyimid habkii loo maray xarigiisa.
Idaacadda Risaala ayaa la xiriirtay Axmed Cali Abuukar oo ah xeer ilaaliye ku xigeenka xilka laga qaaday, wuxuuna inoo sheegay in keliya warkan uu ka maqlay warbaahinta balse weli aysan soo gaarin warqad.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.