Xeer muhiim ah oo loo gudbinayo Golaha Wasiirada

0 168

Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inay dhameystirto tarjumaadda Xeerka Gaadiidka Badda (Somali Shipping Code) ayna meel-Mariso Sharciyada kala ah SOLAS &MARPOL kuwasoo muhiim u ah Ganacsiga iyo Badqabka Badmaridda iyo ka hortaga Wasakheynta Badda.

Sharcigaan oo ku qornaa luqadda English -ka ayaa Wasaaraddu sheegtay in loo turjumay luqadda Soomaaliga, ayadoo la rajeynayo in dhowaan Golaha Wasiirada la mariyo si uu u noqdo sharci dalka ka dhaqan gala.

Shir lagu soo bandhigayay Xeerka Gaadiidka Badda oo Maanta lagu qabtey muqdisho ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xildhibaan Maryan Aweys Jaamac,xubno ka socday labada Gole ee Baarlamaanka JFS iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee UNSOM,EUCAP iyo IMO

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.