XFS Oo Beenisay Warar Lagu Faafiyey Baraha Bulshada

0 57

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha lagu faafiyay Muuqaal laga soo duubay Ciidamo lagu sheegayay in loo diyaariyay ka hortega doorasho aan raali lagu aheyn oo ka dhacda Muqdisho, waxaana arrintaas ka hadashay Xukuumadda Federaalka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Cabdiraxmaan Sh Yuusuf Al-Cadaala oo Qoraal soo saaray ayuu ku beeniyay in aysan jirin Ciidamo kasoo horjeeda doorashada oo lagu soo bandhigay duleedka Muqdisho.

Al-cadaala ayaa sheegay in Muuqaalka laga soo duubay Ciidamada ee lagu faafiyay baraha Bulshada laguna sheegay inay kasoo horjeedan doorasho aan raali lagu aheyn uu yahay mid horey looga duubay Ciidamada dowladda oo aysan aheyn kuwo falaago.
“Muuqaalka maalmahaan lawareejinayay ee lagu sheegay Ciidamo kasoo horjeeda Doorashada waa been abuur aan Sal iyo raad lahayn. Muuqaalka la isticmaalay ma aha mid hadda laduubay Ciidamada ka muuqdana ma aha falaago” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda.

Sidoo kale Warbaahinta ayuu ugu baaqay in ay iska hubiyaan wararka ay qorayaan, xili warbaahinta qaarkood ay tebisay wararka sheegayay in Ciidamo loo diyaariyay ka hortega doorasho aan raali lagu aheyn inay ka dhacdo Muqdisho lagu soo bandhigay duleedka Caasimadda.

“Waxaan ugu naseexaynayaa Warbaahinta iyo Dadka wax faafiya in laga dhawrsado been abuurka nuucaan oo kale ah. Waa ku gaf Qaranka, waa ku gaf Ciidamada, waana ku gaf Shacabka Soomaaliyeed. Colaad hurintu ma aha dimuquraadiyad” ayuu raacsiiyay Qoraalkiisa Al-Cadaala.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.