Xiisad Dagaal Oo Ka Dhex Taagan Maamulka Jubbaland iyo ciidamada Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale).

0 308

October, 05 2015( (Radio Baidoa) Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Kismaayo duleedkeeda, ayaa sheegaya inay halkaasi ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamada Maamulka Jubbaland iyo ciidamada Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale).

Dhaqdhaqaaqa ciidanka iyo xiisada ayaa laga dareemayaa deeganada Goobweyn iyo Sabca Asharaaf oo ku yaallo duleedka Magaalada Kismaayo, waxaana dhaqdhaqaaqan wada ciidamada Barre Hiiraale.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Barre Hiiraale ee ku sugan duleedka Magaalada Kismaayo, ayaa soo sheegaya inaysan dagaal hureyn, maadaama sida uu sheegay dadkii ehelka ay ahaayeen lagu laynayo magaalada Kismaayo gudaheeda.

Sarkaalkaan oo lagu magacaabo C/rashiid Macalin Gaas ayaa ciidamada Jubbaland ku eedeyay inay dadka shacabka ku laynayaan Magaalada Kismaayo gudaheeda, sidoo kalena aysan jirin cid ka celinaysa.

“Nin Gurigiisii iyo Ubadkiisii la heysto wax uu dhowrto in ay jiraan uma maleyn maayo, annaga waxaa nagu waajibay Dagaal maxaa yeelay Ilmaheenii iyo Waaliddiinteenba waa la dilayaa, Baarlamaankii dalka ayaa Sharci ahaanshihiisa diiday Baarlamaanka doortay Axmed Madoobe, wax Sharci ahna kama jiraan halkaas, Dowladda Federal-kana hadda wixii ka dambeeya waxaan u arkaa in aysan iska war heyn illeyn madaxdii qaarna waa Caleema Saareen Axmed Madoobe kuwana waa Baarlamaankii diiday.” Ayuu hadalkiisa raaciyey.

Ciidamada Barre Hiiraale ee ku sugan duleedka Magaalada Kismaayo ayaa si aad ah kaga soo horjeeda Maamulka Jubbaland ee fadhigiisa uu yahay Magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale, ayaa horay ugu wada dagaalamay gudaha Magaalada Kismaayo, inkastoo Dowladda Somaliya labadaasi dhinac heshiis ay kala dhex dhigtay, hadana heshiiskaasi waxa uu noqday mid aanan dhaqangelin.

Waxaad  Nagala Xiriiri Kartaa

hashimmalaaq@gmil.com

Radio Bidoa

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.