xiisad ka aloolsan saaka dagmada balad xaawo ee gobolka gedo.

0 410

haawoApril 28 (Radio Baidoa )-Wararka aan ka heleyno degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayaa ku sheegaya in saaka halkaas ay ka taagan tahay xiisad.
Xiisadda ayaa u dhexeysa Guddoomiyaha degmada Baladxaawo Yuusuf Gaandi, iyo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Ammaanka maamulka Jubbaland Cabdirashiid Macallin oo shalay halkaas gaaray.
Wararka ayaa sheegaya in Wasiir ku xigeenka markii uu tagay Baladxaawo uu soo bandhigay hindiso isbedel loogu sameynayo maamulka Magaaladaasi Baladxaawo, oo ay ka biyo diideen Xildhibaan Cabdifitaax Nuur Mataan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Odayaasha dhaqanka degmadaasi.
Wasiir ku xigeenka ayaa la sheegay in Ciidamo fara badan uu geeyay degmada Baladxaawo taas oo keentay in Xildhibaanka iyo Guddoomiyaha ay isaga baxaan degmada Baladxaawo ayna tagaan duleedka degmadaasi.
Masuuliyiinta u ambabaxay duleedka Baladxaawo ayaa sheegay in aysan dooneyn in ay ku dhex dagaalamaan dadka rayidka ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.