Xildhibaan lagu doortay Jowha

0 202

Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe galabta waxaa lagu soo gaba gabeeyay Doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaasi oo banaanaa, waxayna Doorashada bilaabatay duhurnimadii maanta.

Kursigan ayaa waxaa ku tartamayay ilaa Lix Musharax oo kala ahaa C/laahi Maxamed Cali Sambaloolshe Taliyihii hore ee NISA, Cali C/llaahi Cosoble Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, Dahir Cabdulle Cawaale, Nuur Iidow Beyle, Dahabo Xasan Axmed iyo Xuseen Axmed Geelle.

Doorashadan ayaa wareegeedii koowaad waxaa u gudbay C/laahi Maxamed Cali Sambaloolshe oo ku hoggaaminayay 24 cod, halka Musharaxa kale ee loolanka uu kala kulmayay Nuur Iidow Beyle uu helay 23 cod, sidoo kale waxaa Hal cod helay Cali C/laahi Cosoble, waxaana xumaatay Saddex cod, ugu dambeyn waxaa wareega labaad u gudbay Sambaloolshe iyo Beyle.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) oo ku dhawaaqday natiijada wareegii labaad ayaa sheegtay in kursigan uu ku guuleystay Nuur Iidow Beyle oo helay 27 cod, halka C/laahi Maxamed Cali Sambalooshe uu helay 24 cod.

Xarunta Doorashada ay ka dhaceysay ayaa waxaa goob joog ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle, Guddoomiyaha Gobolka, kan degmada, masuuliyiin iyo xubno ka socda Ururada Bulshada Rayidka.

Sidoo kale markii ay soo idlaatay codeynta wareegii labaad waxaa Hoolka ku soo biiray Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, ku xigeenkiisa Cali Xuseen Guudlaawe.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.