Xildhibaanad Muna Khaliif Sh,Abuu oo cod aqlabiyad ah ku soo baxday (Daawo sawiro)

0 669

Shalay gelinkii danbe waxaa ka dhacay magaalada baydhabo ee xaruunta KMG maamulka koonfur galbeed soomaaliya doorashadii  xubnaha aqalka hoose waxaana cod aqlabiyad ah ku soo baxay xildhibaanada Muno Khaliif Sh,Abuu oo aydu ku guu leysatay codad dhan 43cod.

Xildhibaanad Muna oo ah Gabar da,yar oo aqoonyahanad ayaa waxaa markii la doortay ka dib ay balan qaaday in ay si hagar la,aan ah ugu shaqeyn doonto qarankeed iyo deegaanka llaga soo doortay si daacad ah.

Xildhibaanad Muna ayaa sidoo kale waxa ay shaaca ka qaaday in ay xooga saari doonto caafimaadka wax barashada iyo wax yaabaha aasaasiga u ah nolosha bulshada ku nool deegaanada maamulka koonfur galbeed soomaaliya.

Ugu danbeyntii xildhibaanad Muna Khaliif Sh,Abuu ayaa u mahad celisay dhamaan ergadii dooratay ayadoona sheegatay in ay si cad ugu kalsoontahay in ay wax badan u qaban doonto xaaladaha adage e ka jira deegaanada maamulka koonfur galbeed.

dsc_3333

dsc_3360

dsc_3402

dsc_3370

dsc_3371

dsc_3374

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.