Xildhibaanada ka dooday Ajandaha maanta inuusan ku jirin codsiga Ra’iisul Wasaaraha

0 372
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee Maanta Kulanka ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada muqdisho ayaa dood dheer ka yeeshay codsiga Ra”iisul Wasaaraha Soomaaliya uu usoo gudbiyay Xildhibaanada Baarlamaanka. 

Dooda ayaa ah mid ay Xildhibaanada ku sheegayaan in Ajandaha kulanka Baarlamaanka ee maanta uusan ku jirin codsi Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ujeedinaayo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya sidaasi darteedna Gudonka Baarlamaanka uu ku xad gudbay Sharciga.

 

Xildhibaanada aya ugu baaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari inuu ilaaliyo Sharciga isla markaana ay aad ugu xun yihiin talaabada uu maanta qaaday Gudoomiyaha Baarlamaanka.

 

Ajandaha maanta ee Kulanka Baarlamaanka ayaa u qornaa sidatan:

 

Furitaanka Aayadaha Quraanka.

 

Ansixinta Ajandaha

 

Horkeenida Golaha shacabka Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda

 

Iyo wixii kaloo howl ah.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.