Xildhibaannad ka tirsaneyd Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed oo lagu dilay Muqdisho

0 232

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa xaley ku toogtay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho Haweeney ka tirsaneyd Baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed.

Dadka degmada ayaa sheegaya in illaa labo dhalinyaro oo bastoolado ku hubeysan ay toogasho ku dileen Xildhibaan Ruqiyo Abshir.

Goob joogayaal ayaa Radio baidoa u sheegay in xildhibaannada lagu toogtay gurigeeda oo ku dhow nawaaxiga Isgoyska Maana-booliyo ee degmada Shibis.

Inta badan Xildhibaanada ka tirsan maamul goboleedyada qaar ayaa ku sugan magaalada Muqdisho.

Nabad-galyada magaalada Muqdisho ayaa u muuqata mid sii xumaaneysa, waxaana maalihii ugu danbeeyay ku xoogeysanayay dilalka iyo qaraxyada oo galaaftay nolasha dad badan Soomaaliyeed.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.