Xildhibaano katirsan KGS oo Sharci darro ku tilmaamey Xilkaqaadistii Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Koonfur Galbeed

0 222

Qaar ka mid ah Xildhubaanada Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaaliya oo Maanta Shirjaraid kuqabtey Magaalada Baydhabo ee Caasimada kumeel gaarka ah ee KGS ayaa sheegey sharci darro in aytahay xilkaqaadistii lagu sameeyey Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Koonfur Galbeed Sheekh Axmed C/laahi Xuseen Fanax.Xildhibaanadan ayaa sheegey Sharciga in lagarab marey islmarkaana lagu tuntey dastuurka uyaala KGS.waxaana ay sheegeen xilkaqaadistaasi in aysan awoodin cidkale oo ay sameyn karaan oo kaliya Xildhibaanada.waxaa ay sidoo kale eedeyn ujeediyeen Dadkii ku lugta lahaa xilqaadistaasi oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.waxaana ay kubaaqeen in lailaaliyo Sharciga waxwalbana loomaro wadada saxda ah.

29-kii October ee sanadkan Sheekh (Fanax) ayaa sheegay in Makxamadda Sare ee maamulka Koonfur Galbeed ay amni daro darteed uga soo guurtay magaalada Baydhabo ayna u soo wareegtay Magaalada Afgooye sikastaba ha ahaatee Xildhibaanadan ayaa sheegey in aysan waxba kajirin Xilkaqaadistaasi Sheekh Fanaxna uu yahay Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Maamulka Koonfur Galbeed

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.