Xildhibaano ugu baaqay Jawaari in uu iscasilo

0 172

Xildhibaanada Baarlamaanka ee mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari ayaa mar kale ugu baaqay inuu is casilo, kaddib kulan ay ku yeesheen Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay Guddoomiye Jawaari inuu jebiyay dastuurka iyo xeer hoosaadka, isla markaana ay ka dalbanayaan inuu mar kale is casilo.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa iyo Xildhibaan Axmed Dhimbil Casoowe ayaa sheegay in guddoomiyaha golaha shacabka loogu baahan yahay inuu si nabad ah isku casilo.

Waxa ay tilmaameen in loo baahan yahay isbadal dhanka guddoonka ah.

Ugu dambeyntii Xildhibaanada ayaa si cad u sheegay in aysan ka laaban doonin go’aankooda mooshinka inta isbadal uu kaga dhacayo guddoonka Golaha shacabka ee BFS.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.