Xukun dil ah oo lagu riday Askari Askari kale dilay

0 176

Maxkamada Ciidanka Jubbaland ayaa xukun dil ah ku riday Dable Bile Khaliif Xussein oo ka tirsan Ciidanka Xooga dalka qaybta 43-aad.

Askariggaan ayaa 5-3-2020 askari kale oo ka tirsan Ciidanka xooga dalka ku dilay Xaafada Farjano Ee Magaalada Kismaayo.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Aadan Dhicis Axmed.

Garsooraha Maxamed Ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed ayaa ku dhawaaqay in Askariggaan lagu riday Xukun ah.

Waxaa uu sidoo kale uga digay Askarta dowladda iyo kuwa Jubbaland dilka Askarta kale iyo Shacabka degaanada maamulka Jubbaland.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.