Xukuumada Soomaaliya oo Sheegtay in Dhawaan Lafuri Doono Xawaaladaha Soomaalida Dalka Kenya..

0 871

Cumar C/rashiid Cali Sharmaake,  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dhawaan dib loo furi doono xawaaladaha Soomaalida ee dalka Kenya, kadib markii Dowladda Kenya ay xirtay xawaaladahaasi.

Cumar C/rashiid oo Saxaafadda Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay kawada hadleen arintaasi, islamarkaana madaxda Kenya ay u sheegeen in si deg deg ah loo furi doono xawaaladaha.

“Waxaan u muujinay in adeega xawaaladuhu ay ku tiirsan yihiin nolosha boqolaal kun oo Soomaali ah, kuwaas oo ku nool lacagaha ehelkoodu uga soo diraan dibadda. Waxaana kala hadalnay dowladda Kenya in dib loo furo Xawaaladaha, waxana rajeynaynaa in todobaadyada soo socda dib u howlgeli doonaan, iyagoo waafaqsan shuruucda ay ku shaqeeyaan Bangiyadu” ayuu yiri R.W Sharmarke.
Arintani ayaa Farxad galisay kumanaan kun oo Soomaali ah

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.