12 Saacadood kadib oo la soo gabagabeeyay weerar lagu qaaday Hotel ku yaal Kabul

Ciidammada Ammaanka dalka Afghanistan ayaa soo gebagabeeyay 12 saacadood kadib weerar rag hubeysan ay ku qaadeen hotel ku yaal gudaha magaalada caasimadda Kabul.

Sarkaal u hadlay wasaarada arrimaha gudaha Afghanistan ayaa sheegay in ay dileen dhammaan dableydii weerarka ku soo qaaday hotelka ayna ku dhinteen lix ruux oo rayid ah oo ay ka mid ahayd haweeney ajnabi ah.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan Illaa 160 qof laga soo badbaadiyay kaddib markii ciidammada Afghanistan ay xalay oo dhan u dagaalamayeen sidii ay dhismahaasi gacantooda dib ugu soo celin lahaayeen.

Hoteelka Intercontinental oo ka mid ah hoteelada ugu caansan dalkaasi ayaa ku yaalla goob taariikhi ah, waxaa uuna aad uga dhex muuqdaa dhismooyinka kale ee ku yaalla caasimadda.

Dableydii weerarka geysatay ayaa la sheegay inay xirnaayeen dareeska ciidamada waxayna rasaasta ka bilaabeen gudaha Hotelka.

Dowlada Afghanistan ayaa sheegtay inay baareyso sida ay u qiyaaneeyeen dableydii weerarka geysatay ilaalada hotelka oo labo toddobaad kahor lagu wareejiyay shirkad gaar ah.

Ururka Daalibaan oo maamula dhul ballaaran oo ka mid ah dalka Afghanistan oo sheegtay weerarkan ayaa sheegay inay ku dileen tobanaan ruux oo ajaaniib ah.

“Dagaalyahanadeena Bilal,Ayubi,Khalil,Bashar iyo Abid ayaa gudaha u galay hotelka howlgal ay fuliyeena waxa ay ku dileen tobanaan ajaaniib ah iyo saraakil ka tirsan maamulka Afghanistan.”ayuu yiri afhayeenka Daalibaan Zabihullah Mujahid.